Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen guriga madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xasan Gurguurte ee degmada C/Casiis ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in xilliga la qarxinayay madaxa kooxda Riddada murtad Xassan Garguurte uu ka maqnaa guriga, balse waxaa Allaah fadligiis ah in uu burbur xooggan soo gaaray hoyga murtadkaasi.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen Isgoyska Al-baraka ee degmada Hodan waxay ku khaarajiyeen murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray, Ibraahiim xasan Geelle, oo ahaa askari ka tirsanaaa maleeshiyaadka murtadiinta, gaar ahaan qeybta jawaasiista ah ee Dharcadka.
Dhanka kale, ciidamada jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Bakool waxay weerar abaabulan oo dagaal toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee degmada Waajid, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa laga maqlayay xaafadaha degmadaasi iyo miyigi ku xeeran.