Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala dhulka NFD ayaa toogasho ku dilay sarkaal ka tirsanaa dowladda saliibiyadda ah ee Kenya kaas oo dhawaan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay duleedka Wajeer.
Sarkaalka ay Mujaahidiintu khaarajiyeen waxa lagu magacaabi jiray Cumar Aadan Buul kaas oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Gumure ee hoos taga magaalada Wajeer ee gobolka NFD.
Guddoomiyahan toogashada lagu dilay waxay Mujaahidiintu maalmo ka hor kusoo qabteen howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Gumure ee duleedka magaalada Wajeer, weerarkaas oo lagu kala eryay maleeshiyaad daacad u ah dowladda saliibiyiinta Kenya oo deegaankaasi ku sugna.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa maalmihii u dambeeyay weeraro khasaare badan dhaliyay ka fuliyay gobolka NFD kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada kuffaarta Kenya iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada u ah ee ku sugan gobolkaasi NFD.
Calamada.com