Warsaxaafadeed muhiima oo kasoo baxay maktabka warfaafinta ee xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa looga hadlay weerarkii cagmarinta ahaa ee ay Mujaahidiintu saaka kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin deegaanka Qaayib ee dhaca gobolka Galgaduud.
Bayyaanka ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid xooggan kuna billowday camaliyad Istish-haadi ka dibna uu xigay dagaal toos ah ay Allaah fadligii geesiyaasha Mujaahidiintu ku jabiyeen cadowga. Ayna la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Qaayib ka dib markii maleeshiyaadka Riddada ay u qaybsameen kuwa la laayay iyo kuwa firxaday.
Waxaa bayyaanka Mujaahidiinta lagu xaqiijiyay in weerarkii Qaayib inta illaa hadda la ogyahay ay Mujaahidiintu ku dileen 43 askari oo murtadiin ah iyo 51 dhaawacyo ah iyo 5 gaari oo Ghaniimo ah oo ay dagaalkaasi kusoo furteen ciidanka Mujaahidiinta.
Halkan Ka Dego Bayyaanka Maktabka Warfaafinta Oo PDF Ah.