Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gudaha waddanka Kenya waxay weerar culus oo toos ah ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Booji-Garas oo katirsan degmada Kutulow ee gobolka Mandheera, ee dhulka NFD, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil ka tirsan ciidanka mujaahidiinta waxay xaqiijiyeen in ciidanka uu weerarku qabsaday oo ahaa kuwa loogu yeero Home-Gaurd ee ay tabobaratay dowladda saliibiyadda ah ee Kenya markii uu dagaalka billowdayba ay goobta ka kala firxadeen, mujaahidiintu waxay Allaah fadligii weerarkan ku bur buriyeen sharikaddii Safaricom ee ku tiillay deegaanka Booji-Garas ee uu weerarku ka dhacay.
Dhowaan ayay ahayd markii weerar kamiin ah oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka deegaanka Ilile ee gobolka Mandheera lagu gubay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen ciidanka saliibiyiinta Kenya, halka sidoo kale lagu dilay ugu yaraan 3 kamid ah saraakiisha ciidanka Kenya, waxay sidoo kale mujaahidiintu weerarkaasi ku dhaawacmeen 8 kale.