Gobolka Mandheera oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee la isku yiraahdo NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya waxaa laga soo sheegayaa weerar hubeysan oo lagu beegsaday mid ka mid ah saldhigyada ciidamada saliibiyiinta Kenya ay ka deganyihiin deegaan hoos taga magaalada Mandheera.
Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ka howlgala gudaha Kenya ayaa weerarkan oo ahaa mid toos ah ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Carabiyo oo hoos taga magaalada Mandheera, Waxaana lasoo wariyay in halkaasi dagaal culus uu ku dhexmaray Mujaahidiinta iyo Kenyaatiga.
Saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Carabiya wuxuu horay u martigaliyay dhowr weerar oo kaga yimid dhanka ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin, midkan ayaana kusoo beegmaya xilli ay Mujaahidiintu kordhiyeen weerarada ka dhanka ah saliibiyiinta Kenya ee qaybta ka ah ciidamada Kuffaarta Afrikaanta ee duullaanka ku jooga qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.