Guutada madaafiicda xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Ridada Jabuuti ay ka deganyihiin magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Waxay Mujaahidiintu dhowr madfac ku weerareen saldhigga maleshiyaadka Jabuuti ay ka samaysteen magaalada Dhuusa-mareeb kuwaasi oo lasoo sheegayo inay ka dhasheen khasaare kala duwan.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegaya inay arkayeen madaafiic dhowr ah oo ku hoobanayay gudaha saldhigga ciidamada Jabuuti ee Dhuusa-mareeb waxaana ay waxyeello xooggani soo gaartay saldhigga la duqeeyay.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarkaasi madaafiicda ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan maleeshiyaadka Ridada Jabuuti, inkastoo aan la hayin numberka saxda ah ee khasaaraha.
Magaalada Dhuusa-mareeb waxay ciidamada Mujaahidiintu maalmihii u dambeeyay ku beegsanayeen weeraro duqaymo iyo kuwa dagaallo toos ah kuwaasi oo khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka fariisimaha ku leh degmadaasi.
Calamada.com