Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Jubbooyinka waxay maanta fuliyeen weerar qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyo ka tirsan maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbland, kuwaas oo ku sugnaa meel aan ka fogayn deegaanka Baarsanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkan oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayay ciidanka mujaahidiintu ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo difaacyo cusub ka samaysanayay afaafka hore ee saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Baar-sanguuni, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qorsheysan ee ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ku dhaawacay hal askari oo murtad ah, weerarkan ayaana kusoo beegmaya xilli ay mujaahidiintu sare u qaadeen howlgalladooda ka dhanka ah maleeshiyaadka Riddada ee ku sugna duleedka Kismaayo.