Ciidanka jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Baay, waxay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo saliibiyiinta xabashida Itoobiya ay kaga suganyihiin deegaanka Awdiinle ee hoostaga magaalada Baydhaba.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, weerarka ayaana dhacay maanta sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan saraakiisha ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay Andalus, weerarkan ayaa qayb ka ah howlgallada ka dhanka ah ciidanka nasaarada xabashida ee duullaanka ku jooga qaybo ka mid ah dalka.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta howlgal qarax ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Cali Axmed ee ka tirsan Sh/dhexe la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan Riddada, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan murtadiinta.