Mujaahidiinta ka howlgala gudaha Kenya ayaa weeraro xooggan oo la qorsheeyay ku ekeeyay fariisimo ciidan oo saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin deegaanno hoos taga gobolka Mandheera oo ka mid ah dhulka muslimiinta NFD ee ay xoogga ku haysato dowladda saliibiyadda ah ee Kenya.
Howlgalka hore oo ahaa dagaal toos ah waxay Mujaahidiintu ku ekeeyeen fariisin ay kuffaarta Kenya kaga sugnaayeen deegaanka Dhamase oo hoos taga degmada Lafey ee gobalka Mandheera, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Howlgalka 2-aad oo ahaa weerar abaabulan oo toos ah waxay ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen fariisin ciidan oo ciidamada saliibiyiinta Kenya ka fadhiyaan degaanka Jabbi oo hoostaga degmada Raamo ee isla gobolka Mandheera, lamana helin faahfaahin ka baxsan dagaalka.