Dhulka muslimka ah ee Filistiin waxaa kasoconaya duqeyman xoogan oo is weydaarsanayaan kooxaha muqaawamada Muslimiinta Filistiin iyo maamulka Sahyuuniyadda Yahuuda iyadoo saacadihii lasoo dhaafay labada dhinac ay is waydaarsadeen gantaalo culus.
Kooxaha muqaawamada ayaa sawaariikh xoogan ku garaacaya xalay ilaa saaka magaalooyinka gumaysiga ku jira. magaalooyinkii xalay la duqeeyay waxaa kamid ah magaalada caasimada u ah Yahuuda ee Talaabiib, Bi’ru-Sabca iyo Asduud waxa uu maamulka Yahuuda sheegay in sawaariikhda muqaawamada ee laga soo tuuray Qaza ay gaareen ilaa 80 saaruukh
Katiibada Saraayaa-Al-qudsu oo ah garabka milatari ee xarakada Jihaadul- Islaami ayaa sheegtay in subaxnimadii hore ee saaka ay sawaariikh ku garaaceen magaalada Qudus xili halkaas boqolaal Yahuud ah xoog-ku-gal ku samaynayeen masaajidka barakaysan ee Al-aqsaa
Kumanaan kamid ah Yahuuda lagu deegaameeyay dhulka muslimka ah ee Filistiin ayaa waxaa lasoo daristay xaalad cabsi iyo jawareer ah iyadoo saacad waliba magaalooyinka Yahuuda laga maqlayo qalabka digniinta bixiya oo faraya in ay galaan gododka gabaatka looga dhigto sawaarikhda muqaawamada.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya dadka muslimiinta ah ee ku shahiiday duqaymaha diyaaradaha Yahuuda ay ka gaysteen magaalada Qaza iyadoo tirada dhimashada ay gaartay 37 ruux, waxaana magaalada Qaza laga soo sheegayaa xaalad adag oo dhanka nolsha ah kadib markii Yahuudu ay duqayn la beegsadeen shirkadii korontada siin jirtay magaalada.