Wararka ka imaanaya magaalada Qazza ee dhulka Filastiin waxay ku waramayaan in saaka sawaariikh lagu garaacay deegaannada u dhow magaalada Qazza ee ay xooga ku deganyihiin Yahuudda.
Wariye kusugan magaalada Qazza ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 15 gantaal lagu garaacay deegaannada ay xooga ku deganyihiin Yahuuda ee u dhow magaalada Qazza, islamarkaana la rumeysanyahay iney khasaaro geysteen.
3 kamid ah 15-ka gantaal ee lagu tuuray deegaannada Yahuudda ay xooga ku heystaan ayaa qalabyada sawaariikhda sheega ku guuleysteen iney hawada ku qarxiyaan, halka 13-ka kale ay ku dheceen gudaha dhulalka muslimiinta ee ay Yahuudu xooga ku heystaan.
Arintan ayaa muujineysa sida kooxaha Filastiiniyiinta ay mar weliba u hormarinayaan awoodooda dhanka sawaariikhda ah, iyo sida ay Yahuudu markan u dareemayaan taag dari baahsan.
Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyadda Sawaariikhdan lagu garaacay dhulka ay Yahuudu xooga ku heystaan, waxanaa ay yimaadeen kagadaal markii maalintii shalay diyaaradaha maamulka Yahuudu ay duqeyn ka geysteen deegaannada xuduud beenaatka magaalada Qazza.