Agaasimihii hore ee hayadda sirdoonka dowladda saliibiyadda Maraykanka ee CIA gaalka lagu magacaabo David Petraeus ayaa maamulka Yahuudda ee lagu jabiyay howlgalka Duufaanta Al-aqsaa uga digay in uu duullaan dhulka ah ku qaado Gaza, kaasi oo haddii uu dhaco uu ku timaamay inuu maamulkaasi ka dhaxlo jabkii uu Maraykanku ka dhaxlay soo gelitaankiisii Muqdisho.
Jeneraalkan ameerikaanka oo soo hogaamiyay duullaano dhowr ah oo Maraykanku ka galay waddamo ay ka mid yihiin Afghaanistaan, Ciraaq, Bosnia iyo waddamo kale ayaa waraysi uu siiyay Kanaal taabacsan wargayska Politico ee kasoo baxa dalkaasi waxa uu ku sheegay in haddii uu ciidanka Yahuuddu qaado duullaanka uu isku diyaarinayo uu noqon doono mid sanado badan qaada, taasina ay ka dhalan doonto natiijo aad u xun.
David Petraeus ayaa ciidanka Yahuudda u sheegay haddii ay duullaaan dhulka ah ku galaan Gaza ay la kulmi doonaan qaraxyo waawayn iyo weerar jidgallo ah, oo uu dhiig badan uga daato gumeystaha.
” Waxaad arki doontaan kuwa isku kiin qarxinaya, waxaad arki doontaan qaraxyo miinooyin ah oo la idin diyaariyey, waxaad kaloo jiri doono weeraro dhabba-gallo ah iyo dabinno badan”
Agaasimihii hore ee sirdoonka Maraykanka David Petraeus ayaa isagoo hadalkiisa sii wata soo xusuustay dhacdadii jabka ahayd ee 1993-dii Maraykanka ku qabsatay caasimadda Muqdisho, ka dib markii dhulka laga soo dhigay saddex diyaaradood oo helikobter, kadibna uu dhacay dagaalkii ku caan baxay magaca “Black Hawk Down” kolkaas oo magaalada Muqdisho lagu dilay tobannaan askari oo American ah, maydadkoodana lagu jiid-jiiday waddooyinka caasimadda.
David Petraeus ayaa ugu dambayn muujiyay tag-darrida xilligan haysata ciidamada Yahuudda iyo koboca awoodda kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, wuxuuna soo jeediyay in maamulka gumeystaha uu u baahan qorshe dib u hagaajin ah.