Howlgaladan qorsheysan waxey ciidamada Mujaahidiinta ka kala fuliyeen gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho,iyagoona si gaar ah u beegsaday xubno ka tirsan Dowlada Farmaajo.
Weerarka hore oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Al-barako ee degmada Hodan waxey ciidamada Mujaahidiinta la beegsadeen sarkaal ka tirsan Dowlada Ridada kaasi oo la xaqiijiyay inuu dhaawac culus uu soo gaaray.
Ciidamada Mujaahidiinta ee Howgalkan fuliyay ayaa goobta si nabad ah kaga dhaqaaqay waxaana dhaawaca sarkaalka goobta ka qaaday maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta oo halkaasi soo gaaray,iyadoona si aad ah looga deyrinayo xaalada Sarkaalka maadaama uu dhaawiciisa culusyahay.
Weerarka Labaad waxey ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho waxeyna ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta kaasi oo ahaa askari si aad ah u dhibay dadka shacabka.
Weeraradan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay Camaliyad Istish-haadiyo ah la beegsatay Kolanyo saraakiisha Midowga Yurub ah oo xilligaasi marayay agagaarka Xarunta Wazaaradda Gaashaandhiga Muqdisho waxaa weerarkaasi Naf hurnimada ah lagu dilay Afar Sarkaal oo ah Gaalada Taliyaaniga.