Saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa siyaasiga Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur usoo wareejiyay dhanka magaalada Muqdisho kadib markii ay howlgal kusoo qabteen.
Maanta gelinkii dambe ayay diyaarad yar oo nuuca rakaabka ah soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana lagu waday Rooboow iyo qaar kamid ah saraakiishiisi ololaha doorashada.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen Rooboow oo gacmaha ka jeebaysan madaxa iyo garbahana faashado uga duubanyihiin oo inta laqadaan qadiyay lagu tuurayo gaari Muraayado madow leh oo ay wateen saraakiisha Nabad sugidda Dowladda Federaalka.
Dhinaca kale war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Ammaanka DF-ka ayaa lagu sheegay in soo qabashada Roobow ay dowladdu amartay kadib markii uu falal amni darro ka geystay magaalada Baydhabo islamarkaana uu kasoo bixi waayay shuruudihii ku xirnaa in uu musharrax noqdo.
Wasiirka ammaanka DF-ka ayaa qoraalka uu soo saaray oo umuuqday in uu marmarsiimo ugu sameynayay bahdilka Rooboow ku sheegay in uu yahay Muwaadin xagjir ah oo wali aan laga cafin kamid ahaashiyihiisi Xarakada Al Shabaab.
Falka lagusoo qabtay Mukhtaar Rooboow ayaa farriin cad u ah siyaasiyiinta mucaaradsan maamulka Farmaajo sida muuqatana ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa ujan jeera dhanka Farmaajo kadib markii uu 6 bilood ka hor Abiy Axmed usaxiixay in itoobiya la wareegtay afar dekadood oo dalka Soomaaliya katirsan.