Wararka ka imaanaya magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ee ku sugan magaaladaas ay xabsiga dhigeen murtad Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka isku magacaabay Koonfurgalbeed.
Dad goobjoogeyaal ah iyo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in ciidamado aad u hubeysan oo Xabashada Itoobiya ah ay soo weerareen hooyga murtad Rooboow uu ka daganaa magaalada Beydhabo, ayna ku qaateen mid ka mid ah gaadiidkooda isagoo jeebeysan oo garba duub u xiran.
Dhacdadan ka dib, ayaa magaalada waxaa ka dhacay iska hor imaad xoogan oo u dhexeeya maleeshiyaat daacad u ahaa Murtad Rooboow iyo ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in halkaas ka dhacay dagaal geystay khasaare kala duwan oo ay ku dhinteen askar iyo saraakiil ka tirsan Murtadiinta.
lama oga ilaa hadda sababta loo xiray Murtad Rooboow balse waxay arintan daba socotaa khilaaf xoogan oo waayadii dambe ka dhextaagan Murtad Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee maamul goboleedyada, waxaana loo badinayaa in xariga Rooboow uu ku yimid dalab ciidamada Itoobiya uga yimid kooxda Ridada ee uu hogaamiyo Farmaajo.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Calamada.com