Dhowr qof oo Muslimiin ah oo ku xiran xabsi ku yaalla Gobolka Alaska ee wadanka Maraykanka ayaa loo diiday in wax raashin ah la siiyo xilliga afurka hadii aysan cunaynin hilibka Doofaarka.
Saraakiisha Saliibiyiinta ah ee masuulka ka ah xabsiga Maraykanka ayaa kala dooransiiyay dadkaas Muslimiinta ah ee ku xiran xabsiga inay gaajo u dhintaan ama ay cunaan hilibka Khanziirka.
Hay’adaha u dooda xuquuqda Muslimiinta ee Wadanka Maraykanka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Maxaabiista Muslimiinta ah ay ka biyadiideen amarada kasoo baxay saraakiisha xabsiga.
Maxaabiista Muslimiinta ah ayaa arintaan ku tilmaamay mid lagu dullaysanayo Diintooda, gaar ahaan iyadoo lagu jiro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan, waxayna sheegeen inay gaajo kadoorbidayaan intii ay cuni lahaayeen hilibka doofaarka ee lagu qabsayo.
Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Saraakiisha American-ka ah ee xabsiyada dalka Maraykanka ku ciqaabo dadka Muslimiinta ah ay sidaan oo kale cuntooyin iyo cabitaano xaaraan ku ah Diinta Islaamka ay ku qasbaan dadka Muslimiinta ah ee ay xasbiyada ku haystaan, iyagoo u diidayana wax cunto ama cabitaan ah marka laga reebo cuntada iyo cabitaanka Xaaraanta ah,sida Khamrada iyo hilibka Doofaarka.
Masuuliyiinta Dowlada Saliibiyada ah ee Maraykanka ayaa sii dardar geliyay xadgudubyada ay kula kacayaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan wadanka Maraykanka tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweynaha ay ku gaamurtay colaada Islaamka ee Donald Trump.
Saliibiyaanta aaqirka iyagaa jabaayo,Diintaan ilaah baa iska leh waana guuleysaneynaa taas ilaahaa noo sheegey