Wararka ka imaanaya magaalada Haregeysa ee xarunta gobalka Waqooy Galbeed ee dalka Somalia waxey sheegayaan in gudiga doorashadii halkaasi ka dhacday ay ku dhawaaqeen natiijada doorashada.
Muuse Biixi Cabdi oo ka socda Xisbiga Kulmiye ayaa la sheegay in uu ku guuleystay hoggaaminta maamul gobaleedka isku magacaabay Somaliland oo ka mid ah maamulada dowlada Xabashida Itoobiya ay ka dhisatay gudaha dalka Somalia.
Guddiga ayaa sheegaya in 80% ay dadku codeeyeen islamarkaana ay jireen goobo fara ku tiris ah oo aysan ka dhicin wax doorashooyinka, natiijada soo baxday ayaa noqotay sidii horay loo saadaalinayay, Xisbiga Waddani ayaa helay 226,099 oo u dhiganta (40.73%) Xisbiga UCID ayaa helay 23,141 oo u dhiganta (4.17%) halka Xisbiga KULMIYE uu helay 305.909 oo u dhigfanta 55.19%.
Cabdi Raxmaan Cirro oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani ayaa shalay qaadacay doorashada wuxuuna taageerayaashiisa udiray farriin ah in ay ka dhiidhiyaan ku shubashadii dhacday.
Ku dhawaaqista Natiijadan ayaa la saadaalinayaa iney horseedo Rabshado iyo isku dhacyo dhiig ku daato oo ka qarxa gobalada uu ka arimiyo maamulka isku magacaabay Somaliland,iyadoona dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay si weyn uga soo horjeedaan Xizbiga Kulmiye oo ah Xizbiga la shaaciyay in doorashada uu ku guuleystay.
Calamada.com