Madaxwaynaha maamul goboleedka ashahaada la dirirka ee Somaliland, murtad Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu maanta jeediyay ku sheegay in uu dhawaan hergalayo heshiiskii xaaranta ahaa ee maamulka la galay dowladda xabashida Itoobiy,a ee lagu siiyay qaybo ka mid ah Bada Soomaaliya.
Muusa Biixi ayaa isaga oo sii hadlayay intaa ku daray in maamulkiisa uu dhameeyay dhamaan dhinacyada heshiiskaasi kaga aadanaa, muddo ka badan 4 bilood oo heshiiskaasi laga joogana uu dhaqan geli doono dhowaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhanka kale Muuse Biixii oo ku diganaya murtad Xasan Gurguurte oo ah madaxa kooxda Riddada Soomaaliya ayuu sheegay in uu doonayo in la bixiyo badda Soomaaliya, balse waxa kaliya ee uu doonayo ay tahay inuu isago magaciisa ku bixiyo, sidaas darteed na uu kaga soo horjeedo in maamulka Soomaaliland uu badda bixiyo.
Murtad Muuse Biixi, ayaa hadalkan ka dhawaajiyay xilli uu ka hadlayay magaalada Hargaysa oo ah xarunta gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya ee uu caasimadda ka dhigtay maamulkaasi.