Murtad Muuse Biixi Cabdi, oo ah madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, ayaa madal uu khudbad ka jeedinayay ka sheegay in maamulkiisa iyo dowladda xabashida Itoobiya ay si deg deg ah u dhaqan gelin doonaan heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu ku wareejiyay qaybo ka mid ah khayraadka umadda Soomaaliyeed.
Muuse Biixi, ayaa sheegay in labada dhinac ee maamulkiisa iyo Itoobiya ay ka go’antahay fulinta heshiiskan xaaraanta ah oo uu tilmaamay in uu u horseedi doono aqoonsi buuxa oo maamuliisa uu ka helo Itoobiya.
Xasan murtad oo ah madaxa kooxda Riddada Somalia, ayuu tilmaamay in uu oggolyahay bixinta dhul badeed Soomaaliyeed, isaga oo xusay in uu ka xun yahay kaliya in heshiiskaasi ay gasho Somaliland.
Hadalkan Muuse Biixi waxaa kasii horreeyay, wasiirkiisa arrimaha gudaha murtad Maxamed Kaahin, kaasi oo sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uusan haynin dekad uu ku wareejiyo Itoobiya, tan kaliya ee ganactiisa ku jirtana ay tahay dekadda Muqdisho, taasi oo uu sheegay inay aad uga fog tahay Itoobiya, sidaas na uu uga xunyahay heshiiska maamulkiisa uu ku wareejiyay khayraadka umadda Soomaaliyeed.