Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dil qorsheysan ka fuliyeen Degmada Afgooye oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Dilkan oo ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmada Afgooye waxey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dileen mid ka mid ah Ergooyinkii Xildhibaanada kasoo xulay Magaalada Baydhabo Ee Wilaayada Baay iyo Bakool.
Ergiga lagu dilay Afgooye ayaa lagu magacaabi jiray Muxamed Madeey Baay, Waxa uu dilkiisana kusoo aadayaa xilli Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin u gaarsi xoogan ku hayaan Ergooyinkii soo xulay xildhibaanada Ridada.
Magaalada Muqdisho iyo Gooba kale ayey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Waqtiyo kala duwan ku dileen Ergooyin fara badan oo wax kasoo xulay Xildhibaanada Dhawaaqiida.
Calamada.com