Wararka ka imaanaya degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeelada Hoose waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi lagu dhaawacay gudoomiyaha dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban degmadaasi.
Muxamed Siidow Cabdi Raxman oo ah gudoomiyaha dowlada federaalka ee degmada Wallanweyn ayaa la xaqiijiyay iney dhaawaceen maleeshiyaatka nabadsugidda dowlada federaalka kuwaasi oo rasaas bareer ah hubiyay gudoomiyaha.
Dhaawaca gudoomiyaha degmada Wallanweyn oo wararka laga helayo ay sheegayaan inuu culusyahay ayaa la dhigay isbitaalka degmada balse waxaa jira qorsha la doonayo in dhaawaciisa loo qaado magaalada Muqdisho.
Inta badan saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka ayaa caan ku ah iney dhixdooda dilal iyo dhaawacyo isugu geystaan xilliyada ay daroogeysanyihiin ama khilaaf soo kala dhex galo.
Calamada.com