Wararka ka imaanaya dalka Konfur Afrika ayaa sheegaya in 24-kii saac ee u dambeysay markale gudaha dalkaasi lagu dilay Ganacsade Somali ah oo qeyb ka ah Soomaalida ku nool dalkaasi.
Kooxo Burcad Konfur Afrikan ah ayaa Tuulo hoostagta magaalada Cape Town ku dilay ruux Somali ah oo Mehrad ganacsi ku lahaa Tuuladaasi.
Ganacsadaha ay dileen Kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah ayaa lagu magacaabi jiray Muxamed Yuusuf Waxeyna Burcadda ku dhex dishay gudaha goobtiisa ganacsi.
Dad Somali ah oo goobta ka agdhawaa ayaa halkaasi ka qaaday meydka Muxamed Yuusuf waxeyna xaqiijiyeen in jirkiisa ay ku taalo Rasaas fara badan oo ay huwiyeen kooxaha Burcadda ah ee sida bareerka ah goobtiisa ganacsi ugu dhex dilay.
Bishii lasoo dhaafay ayeey sidoo kale kooxaha Burcadda ah waxey gudaha dalka Konfur Afrika si bareer ah ugu dileen Labo ruux oo Ganacsato Somali ah kuwaasi dilka kadib oo ay boobeen goobahoodii ganacsi.
Dilkan ayaa kusoo aadeysa xilli kooxaha Burcad Konfur Afrikaanta ah ay sii kordhiyeen dilalka dhaca iyo boobka ay u geysanayaan dadka Somalida ah ee Ka shaqaynsta dalkaasi,iyadoona Sanad walbo gudaha dalkaasi lagu dilo boqolaal ruux oo Somali ah.