Maxkamadda Imaarada islaamiga ah ayaa maanta oo Isniin goob fagaare ah oo ay soo buuxdhaafiyeen dadweyne aad u badan ku fulisay xukun xad qisaas ah, kaas oo lagu fuliyay nin horay u dilay qof kale oo muslim ah.
Maxkamada sare ee Afgaanistaan waxay maanta ku dhawaaqday fulinta xukunka xad qisaas ah oo ka dhacay gobolka Jawzjan ee dhaca waqooyiga Afghanistan, waxaana xadkaasi lagu fuliyay gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabi jiray Nazar Maxammed oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan deegaanka Balcharagh ee gobolka Faaryab uu horay u dilay qof muslim ah oo lagu magacaabi jiray Khaalid Muxamed, kaas oo uu dilkiisa u adeegsaday toorray.
Dhanka kale maxkamadda dowladda islaamiga Afghanistan, waxay intaasi ku dartay in saddexda maxkamadood ee Imaarada islaamiga ah ay rogrogeen, baaritaan iyo dabagal dheer na ku sameeyeen kiiska dacwada, dhinacyadana ay la kulmeen, markii ay dacwaddu cadaatay kaddibna ay waliyu damku maxkamadda ka cosadeen in loo qisaasi, intaas kaddibna ay maxkamadda islaamiga ah kiiskan u gudbisay amiirka Imaarada islaamiga ah, isagana uu ugu dambayn amray in xadkaasi la fuliyo.
Waxaa xusid mudan in xadkan maanta fulintiisa uu ka dhacay waqooyiga Afghanistan uu yimid markii maxkamada Afqaanistaan todobaadkii hore ay xukun qisaas ah ku fulisay labo qof oo kale oo ku sugnaa gobolka Ghazni, kuwaas oo iyagana horay dilal bareer ah u geystay.