Deegaanka Guudada Bari ee duleedka magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya wali waxaa ka socda xasuuqa loo geysanayo shacabka Rayidka ah ee aan hubeysneyn.
Dhimashada dadka shacabka ah ayaa sii caga cageynaysa 300 oo qof waxaana shaqada gabay illaa iyo 13 isbitaal sida uu sheegay guddiga difaaca Madaniga ah ee wadanka Suuriya.
Mid kamida dadka ku go’doonsan magaalada Ghuudada Bari ee dalka Suuriya ayaa Farriin Murugo badan soo diray wuxuu muslimiinta caalamka u sheegay in aysan haysan biyo ay cabaan iyo cunto ay cunaan, wuxuu sheegay in dadka qaar aysan maalmo afkooda wax saarin islamarkaana dadka dhaawacmaya loo la’yahay wax lagu daweeyo.
“Carruurteenna iyo xaasaskeena gaajo ayay lajiifaan, magaalada oo dhan way dhibaateynsatahay, waxaan udhawaaqeynaa walaalaheena nabad gelyada kunool waxaan leenahay halkan waa lagu dhammaanayaan, maxaad sameynaysaan haddii carruurtaada iyo dadkaaga oon iyo gaajo u dhamaanayaan”ayuu ku afka ku qabsanayay Ninkan muslimka ah ee Farriinta soo diray isagoo god ku dhaxjira.
Halkan ka degso Kalimaddiisa oo Afsoomaali lagu Tarjumay ama hoos ka Daawo
Alla ha u gargaaro muslimiinta ducafada ee dhibaateysan