Magaalada Gondar ee caasimada ismaamulka Amxaarada waddanka Itoobiya waxaa lagu afduubtay nin Yahuudi ah sida ay xaqiijisay warbaahinta maxalliga ah.
Lama helin macluumaad rasmi ah oo ku aaddan shakhsiyadda ninka Yahuudiga ah ee lagu afduubtay gobalka Amhara ee waqooyiga Itoobiya, balse maamulka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay in muwaadin ka tirsan Yahuudda lagu afduubtay waddankaas.
Wasiirka arrimaha dibadda maamulka sahyuuniyadda ayaa sheegay in wasaaraddiisa uu kusoo dhacay macluumaad tilmaamaya in magaalada Goondar lagu qafaashay qof Yahuudi ah, balse faahfaahin kama uusan bixin haybta ninka la afduubtay iyo arrinka uu salka ku hayo qafaalka.
Waziirkan Yahuudiga ah ayaa sidoo kale sheegay in safiirka maamulkiisa u fadhiya Itoobiya uu xiriiro kala duwan la sameynayo masuuliyiinta ammaanka gudaha ee Itoobiya, si shakhsigaasi xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo, waa sida uu warka u dhigaye.
Si kastaba ha ahaatee, Gobolka Axmaarada ee waddanka Itoobiya waxaa ka dhacayay rabshado iyo isku dhacyo uu dhiig ku daatay tan iyo markii ay dowladda xabashidu billowgii sannadkan qaaday tallaabo muran badan dhalisay, taas oo ahayd burburinta ciidamada Liyuu booliska gobolka, si ay ugu biiriso ciidamada millatariga dowladda ama booliska gobolka.