Yahuuddii ugu badnayd abid taariikhda ayaa ku barakacday howlgalka Duufaanta Al-aqsaa oo 7-dii bishasn Oktoobar ay ku dhawaaqeen kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, kaasi oo lagu beegsanayo dadka Yahuudda ah.
Maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa shaaciyay in uu diiwaangelisay tiro dad ah oo barakacayaal ah, kuwaas oo gaaray nus Malyuun qof, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen maleeshiyaadka maamulka gumeystaha.
Liiska cusub ee la shaaciyay ayaa la aaminsan yahay inuu sii kordhin doono azmada iyo culayska dhaqaale iyo kuwa macnawiga ah ee haysta nidaamka uu hoggaamiyo Bin Yamin Netanyahu.
Ilo wareedyo laga soo xigtay warbaahinta maamulka gumeystaha ayaa sheegaya in si looga fogaado waxyeellada gantaallada muqaawamada uu maamulka Yahuuddu maciin biday in kumanaan qof oo Yahuud uu ka daad gureeyo guryahooda, xafiiska Netanyahu ayaana ku qasbanaaday inuu dadkaas dejiyo hoteello iyo guryaha marti, sidoo kalena intii soo hartay ku amray inay dhistaan teendhooyin ay gabbaad kaga dhigtaan gantaallada.
Waxaa horay loo shaaciyay in marinka Gaza iyo xuduudka Lubnaan oo kaliya ay ka barakaceen 120,000 oo Yahuud ah, balse tiradaasi ayaa sare u kacday oo gaartay nus malyuun qof, goobaha cusub ayaana ka mid ah deegaanno ka baxan Gaza iyo aagga Lubnaan, halkaas oo ay ku dhaceen gantaallada muqaawamada.
Wargayska Yahuudda ayaa dhanka kale sheegaya in xukuumada Netanyahu ay soo food saartay culaysyo cusub oo ay ka mid yihiin dhaqaale yaraanta sii xumaanaysa, maamulkan ayaa markii uu dareemay qulqulka Yahuudda ee barakaca ah iyo axmada taagan go’aansaday in uu dhiso magaalo teendho ah oo uu ka dhiso aagga Eilat si uu halkaas u dejiyo dadka soo barakacay.