Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro qorsheysan oo lagu beegsaday qaar ka mid ah odayaasha soo xulay xildhibaanada golaha dhawaaqiida dowlada Ridada federaalka.
Weerarka kowaad waxa uu ka dhacay agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho waxa weerarkan lagu dilay oday lagu magacaabi jiray Isaaq kaasi oo ka mid ahaa odayaashii xildhibaanada kusoo xulay degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Weerarka Labaad waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Xamar Jajab waxaa weerarkan lagu dhaawacay oday lagu magacaabo Cusmaan Zubeyr kaasi oo ka mid ah odayaashii xildhibaanada kusoo xulay degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe.
Dhowr jeer waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu dilay qaar ka mid ah odayaasha soo xulay xildhibaanada baarlamaanka cusub ee dowlada Ridada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.