Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar aad u xooggan oo gobolka Sh/hoose lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay mas’uul katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Janaale ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay gaadiid gelbinayay Murtad Odawaa Yuusuf Raage oo ku magacaaban waxa loogu yeero taliyaha ciidamada xoogga dowladda Federaalka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Odawaa uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxa balse waxaa gubtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ilaaladiisa gaarka ah kuwaasi oo baqti iyo dhaawac ku noqday qaraxa.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in qarax lagu beegsaday taliyaha ugu sarreeya ciidanka dowladda Ridada federaalka.