Xilli dowladaha shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay ay la wareegeen dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayay soo baxayaan warar sheegaya in lala wareegay Hawada dalka.
Mas’uulka ugu sarreeya dowladda Ridada Federaalka ee dhanka duulista iyo saadaasha Hawada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay socdaal guluf ballaaran oo Q.Midoobe ay si rasmi ah ugula wareegayso hawada Soomaaliya.
Cabdi Waaxid Sheekh Cumar oo ku magacaaban maareeyaha duulista iyo saadaasha Hawada ayaa sheegay in shirar ka dhacay wadamada Hindiya iyo Kenya ay gogol xaar u ahaayeen la wareegista Hawada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in shir dhawaan ka dhici doono wadanka Canada si rasmi ah Q.Midoobe kula wareegi doonto hawada Soomaaliya, sarkaalkan u hadlay DF-ka ayaa xaqiijiyay in qalab bilo ka hor lageeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagula socdo dhaq dhaqaaqa hawada uu
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in Hay’adda Q.Midoobe uqaabilsan hawada ay si rasmi ah dowladda Kenya ugu wareejisay maamulidda hawada Soomaaliya.
25-kii sanadood ee lasoo dhaafay waxaa maamulka hawada dalka Soomaaliya gacanta ku haaya Q.Midoobe iyadoona qaadanaysay lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya.
Maamulkii Xasan Gurguurte madaxda ka ahaa ayaa laba sanadood ka hor garoonka diyaaradaha iyo dekadda caalamiga Muqdisho ku wareejiyay shirkado shisheeye oo dalka Turkiga laga leeyahay.
La wareegista Hawada Soomaaliya ayaa imaanaysa xilli Max’med Cabdullaahi Farmaajo loo doortay hoggaanka dowladda Federaalka waxaana muuqata in xukuumaddan ay shaqadeeda ku bilaabatay in shisheeyaha ay ku wareejiso hantida dadka kawada dhaxaysa.