Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka gaala Raaca Puntland.
Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo qeybtaasi oo uu ka arimiyo maamulka dowlada Xabashida Itoobiya u adeega ee Puntland.
Ragga hubeysan ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Qaleey Yuusuf Jiille oo ahaa taliyaha maamulka Puntland ee Xerada ciidanka Inji ee magaalada Gaalkacyo.
Dilka loo geystay sarkaalkan ka tirsanaay maamulka Ashahaado la dirirka Puntland waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo mudooyinkii dambe sii kordhisay weerarada ka dhanka ah maamulka Puntland.
Calamada.com