Qarax jugtiisa si wayn looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa caawa lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Ridada Somalia.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan waxay guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho la beegsadeen murtad Qalinle Geedow oo ah madaxa amniga kooxda Ridada Farmaajo ugu magacaaban degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Weerarka qaraxa ayaa si gaara uga dhacay hoy uu murtad Qalinle ka deganaa magaalada Muqdisho waxaana jira khasaare kala duwan oo qaraxa ka dhashay.
Weli si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxa waxaana uu weerarkan ka mid yahay howlgallada qaraxyada ee ay Mujaahidiintu ku beegsadaan saraakiisha kooxda Ridada Somalia.
Calamada.com