Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada wilaayada Banaadir waxay howlgal qarax ah oo ay ka fuliyeen xaafadda Daarasalaam ee magaalada Muqdisho, la beegsadeen gaari ciidan oo ay wateen maleeshiyada Riddada ee dhawaan madaxa kooxda Riddada Soomaaliya uu ku wareejiyay amniga caasimadda.
Saraakiil ka tirsan ciidanka mujaahidiinta oo la hadlay Andalus waxay xaqiijiyeen in qaraxaas Allaah fadligii Riddada looga dilay 4 xubnood oo askar ah, halka sidoo kalena looga dhaawacay 3 kale, waxaana goobta ku burburay gaariga qaraxa lala eegtay.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii qarax ay sidan oo kale mujaahidiintu uga fuliyeen degmada Awdheegle ee wilaayada Sh/hoose murradiinta looga dilay ugu yaraan 3 askari.