Howlgal qarax ah ayay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin maanta ka fuliyeen xaafadda Cali Geedi ee ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi lala eegtay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil, iyo maeeshiyaad murtadiin ah.
Qaraxaasi waxaa ku dhintay 5 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale oo uu ku jiro sarkaal murtad ashahaada la dirir ah ah oo lagu magacaabo Gaashaanle Ganey Caga-dadab oo ka tirsan maleeshiyaadka Riddada qeybta 7-aad, waxaana gaaray dhaawac culus.
Dhanka kale tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qarax ah oo Shabaabul Mujaahidiin ku beegsadeen guri uu magaalada Beledweyne ka daganaa sarkaal murtad ah oo lagu magacaabo Ibraahim Deefow.
Qaraxyada oo ahaa ilaa laba qarax ayaa mid waxa uu ka dhacay guriga sarkaalka, halka kan 2-aad na uu beegsaday maleeshiyo goobta tagay, waxaana qaraxa labaad lagu dhawacmay 3 murtad oo uu kamid yahay afhayeenka maamulka Riddada ah ee isku magacaabay Hiiraan State, murtad Qowdhan.