Howlgal qarax ah oo ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay gaari ay wateen maleeshiyaadka murtadiinta ee uu dhowaan madaxweynaha kooxda Riddada murtad Xassan Sheekh Maxamuud ku wareejiyay amniga caasimadda.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si wanaagsan u haleelay gaari Cabdibile ah oo ay wateen maleeshiyaadkaas xilli ay ku socdaalayeen degmada Dayniile, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxaas ku bakhtisay 7 askari oo murtadiin ah, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 kale, waxaana burbur uu soo gaaray gaariga la qarxiyay.
Howlgalkan qaraxa ah ee ka dhacay degmada Dayniile ayaa qayb ka ah howlgallo qorsheysan oo ay mujaahidiintu ku beegsanayaan maleeshiyaadka murtadiinta ee uu murtad Xassan Gurguurte uu ku wareejiyay amniga caasimadda.