Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Mareykanka oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Nangahaar ee Bariga Afghanistan.
Qaraxa oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso waxaa sigaar ah loola beegsaday kolanyo American ah oo sii galayay Albaabka Kowaad ee garoonka diyaaradaha magaalada Jalala-baad ee xarunta gobalka Nangahaar.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in qaraxaasi Miino lagu burburiyay gaari gaashaaman laguna dilay Saddex askari oo American ah laguna dhaawacay Labo askari oo isla Mareykanka ah.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli Todobaad ka hor Camaliyad Istish haadiya ah oo lagu weeraray kolanyo American ah oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah degmada Bagram ee Wilaayada Barwaan ee Waqooyga Afghanistan lagu dilay Saddex iyo Toban askari oo American ah laguna dhaawacay Kow iyo Toban kale.
Calamada.com