Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagula beegsaday ciidamada gummeysiga Kenya ee xoogga ku jooga qeybo kamid ah gobolkaasi.
Kolonyo katirsan ciidamada Saliibiyiinta Kenya oo ka amba baxay deegaanka Faxfaxdhuun ayaa qarax lagula beegsaday meel ku dhow deegaanka Gerileey.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi lagu dilay Labo askari oo Saliibiyiinta Kenya ah halka Afar kale oo isla ciidamada Kenya ay ku dhaawacmeen.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada qarax lagula beegsaday deegaanka Maryan Gubaay ee gobolka Shabeelada Hoose.
Xilligii qaraxu dhacayay ayay maleeshiyaadka dowladda ku mashquulsanaayeen cunista Maandooriyaha Khaatka, deegaanka Maryan Gubaay ayaa u dhaxeeyay degmooyinka Baraawe iyo Buula Mareer.