Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo ka mida gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay weerarkan qaraxa ah la eegteen gaari nooca xamuulka qaada oo ay ka buuxeen askar ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta xilli uu ku socdaalayay duleedka degmada Awdheegle ee wilaayada shabeellaha hoose.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxaasi lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda Ridada ee la socday gaariga la qarxiyay.
Inta la xaqiijiyay waxa qaraxaasi ku nafwaayay 9 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Ridada Farmaajo waxaana sidoo kale qaraxa ku basbeelay gaarigii Xamuulka ahaa ee qaraxu haleelay.
Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa kusoo beegamaya xilli dhawaan fariisinka maleeshiyaadka dowladda Ridada ee Bariire uu la kulmay weerar Madaafiic ah oo kaga yimid dhanka Shabaabul Mujaahidiin kaasi oo dhaliyay waxyeello kala duwan.
Calamada.com