Wararka ka imaanaya deegaanka Af Urur ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar Askari ay dhinteen sedax kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii qarax miino uu ka dhacay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka ‘Puntland’.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada ku dhaawacmay qaraxa loo qaaday dhanka magaalada Boosaaso waxaana ladhigay isbitaalka weyn ee magaaladaasi, dhaawacyada qaar ayaa xaaladooda caafimaad laga deyrinayaa waxaana suurtagal ah in ay udhintaan dhaawacyada kasoo gaaray qaraxa.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, Waxa uu Weerarkan Qaraxa loo adeegsaday xilli Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay sii kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah Maamulka Gaala Raaca isku magacaabay Puntland.