Qarax culus ayaa ka dhacay wadada xeebta ah ee isku xirta magaalooyinka Marka iyo Muqdisho kaaso oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowladda Ridada.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe waxa uu qaraxa haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowladda Ridada kaasi oo faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay.
Idaacadda Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaas lagu dilay Lix askari Afar kalane lagu dhaawacay.
Sidoo kale qaraxa ayaa burbur xoogan u geystay gaariga Cabdi Bilaha ah,waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin sii kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan wadada xeebta ah ee isku xirta Magaalooyinka Marka iyo Muqdisho kuwaasi oo ay la beegsadaan ciidamada shisheeyaha iyo Maamulka Farmaajo ee kabo qaadka u ah gaalada soo duushay.
Calamada.com