Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen gudaha degmada Awdheegle ee dhacda wilaayada Sh/hoose ayaa lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, halkaas oo khasaare dhimasho ah uu kasoo gaaray Riddada
Weerarkaasi qaraxa ah ayaa si wanaagsan u beegsaday hadafkiisa, waxaana Allaah fadligii lala helay maleeshiyaadkii Riddada ee ku sugnaa gudaha degmada Awdheegle, inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhimatay saddex askari oo murtadiin ah.
Howlgalkan qaraxa ah ee ka dhacay Awdheegle ayaa qayb ka noqonaya howlgallada ay ciidamada mujaahidiintu ka wadaan deegaannada iyo degmooyinka ay ka kooban tahay Sh/hoose, saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay ciidamada mujaahidiintu weeraro safmareen ah ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada saliibiyiinta Ugandha iyo kuwa Riddada ee deegaannada No/60, buundada Bariire iyo buundada Sabiid.