Qarax culus ayaa lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxa uu si gaar ah kaga dhacay agagaarka Tuulada Abuu Xamza Al-muhaajir oo horay loo aqooni jiray Kabtan Lays oo ah tuulo dhacda duleedka deegaanka Shalambood ee gobalka Shabeelada hoose.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxaasi lagu dilay Afar askari’waxaa sidoo kale lagu dhaawacay Labo askari oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka dowlada Ridada Farmaajo.
Qaraxan ayaa imaanayo xilli sidoo kale qarax habeenkii xalay ka dhacay agagaarka hoteel Maka Al-mukaramah ee magaalada Muqdisho lagu dhaawacay Cabdi Qaadir Dinix oo ka tirsan saraakiisha maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka dowlada federaalka.
Calamada.com