Qaraxan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan Shiicada Xuuthiyiinta kuwaasi oo xilliga qaraxa ku sugnaay deegaanka Dayaab oo ka tirsan gobalka Al-beydaa ee Konfurta dalka Yemen.
War kooban ay soo saareen Mujaahidinta Ansaaru Shareecah ee Taabacsan Faca Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiradda Carabta ayeey ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha nafeet lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Xuuthiyiinta.
Qoraalka Mujaahidiinta ayaa lagu xusay in ugu yaraan lix katirsan maleeshiyaatka Xuuthiyiin ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka miinada.
Qaraxan ka dhacay Wilaayada Al-beydhaa ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maleeshiyaatka Xuuthiyiinta, kuwa Murtadiinta xukuumada Yemen iyo Isbaheysiga Carabta ee ay hogaamiyaan Sucuudiga iyo Imaaraatka, kuwaas oo marka laga soo tago khilaafaatka dhexdooda ah gabi ahaantood ka mideysan dagaalka ashahaado la dirirka ah ay kaga jiraan Wadankaasi Yemen.