Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu qaaday goob ay ku qayilayeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada Farmaajo goobtaasi oo ku taala gudaha degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.
Dadka degmada waxey sheegeen in Bamka lala beegsaday maleeshiyaat ku qayilayay agagaarka Buunadada ee degmada Mahadaay,waxa uu qaraxa sababay khasaara Nafeet.
Inta la xaqiijiyay qaraxa Bam waxaa ku dhaawacmay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta kuwaasi oo la cadeeyay in Labo ka mid ah dhaawacyadooda culusyihiin.
Weerarkan Bamka waxa uu imaanyaa xilli Labo maalin ka hor Kamiin ka dhacay duleedka degmada Mahadaay lagu gubay Labo gaari Xamuul ah oo sahay ciidan ay ku wateen askarta Nasaarada Burundi.
Calamada.com