Qaraxan loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso waxaa lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Shalambood,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano iyo tuulooyin ku dhaw deegaankaasi.
Dadka deegaanka waxey sheegeen in la arkay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada oo ku dhaawacmay qaraxa waxaana suura gal ah in khasaaraha uu intaasi ka bato.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Mashalaay ee gobalka Shabeelada hoose dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen ugu yaraan Sideed askari oo Yugandheys ah.
Calamada.com