Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala dhulka NFD ayaa howlgal culus oo qarax ah la beegsaday kolonyo ciidamo saliibiyiin Kenyaan ah ah oo ku socdaalayay inta u dhaxayso magaalooyinka Gaarissa iyo Dhadhaab.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in qaraxan uu si gaar ah u haleelay baabuur noociisu yahay BG, kaasi ay ka buuxeen askar badan oo Kenyaan ah, waxaana la xaqiijiyay in gaariga uu qaraxaasi haleelay uu gabi ahaanba gubtay, wixii askar ahaa ee saarnaana ay u qaybsameen kuwa halaagsamay iyo dhaawacyo qaba.
Dhanka Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen fariisinka Riddada ee Buundo weyn ee magaalada Beledweyne, lamana soo werin faahfaahinta qaraxaasi, maadaama uu dhacay xilli habeen ah.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin Ceel-mashruuc oo ka tirsan degmada Qansaxdheere ee wilaayada Baay, dhanka kale waxay mujaahidiintu weerar ku mireen saldhigga Riddada ee buundada degmada Jannaale ee ka tirsan Sh/hoose.