Wararka ka imaanaya magaalada Mandheere oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus uu ka dhacay deegaan hoostaga magaaladaasi.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaabo Salama oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mandheere’iyadoona qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Kolanyada la qarxiyay ayaa duleedka degmada Ceelwaaq kasoo qaaday gaari Taw ah oo maalmo ka hor miino kula kacday wadada isku xirta deegaanka Buusaar iyo degmada Ceelwaaq.
Miinada kolanyadan lagula beegsaday deegaanka Salama ee duleedka Mandheere ayaa haleeshay gaari Kaaro Xambaara ah kaasi oo waday gaariga Taw-ga ah ee maalmo ka hor Kenyaatiga looga qarxiyay duleedka degmada Ceelwaaq.
Kaaro Xambaaraha iyo Taw-gii uu waday ayaa gabi ahaan la xaqiijiyay iney wada burbureen’waxey warar hoose sheegayaan iney jiraan tiro Nasaaro Kenyaati ah oo dhimasho iyo dhaawac.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxan ka dhacay deegaanka Salama ee duleedka magaalada Mandheere.
Calamada.com