Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada Hoose waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi qarax culus lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyiinta Kenya.
Qaraxan lala beegsaday Askarta Kenya ayaa sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta degmada Dhoobley iyo deegaanka Taabto,iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaanada dhaca hareeraha wadadaasi.
Qaraxa ayaa haleelay gaari Mutabiish ah oo ay la socdeen askarta Kenya,waxaa gabi ahaan burburay gaariga iyadoona dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen askartii Kenyaatiga ee la socotay gaariga qaraxaasi lagu burburiyay.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Jaziiradda Lamu ay ku dileen Labo ruux oo Saliibiyiinta Kenya ah.
Calamada.com