Qarax culus oo ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Golweyn iyo Danow ee ka tirsan wilaayada Sh/hoose ayaa lala beegsaday kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuffaarta Yugaandha, kuwaas oo sahay u siday saldhigyadooda.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi lagu gubay gaari Taw ah oo qayb ka ahaa kolonyada, gaari kale oo xamuul ahna waxyeello xooggan ayaa la gaarsiiyay, waxaa sidoo kale howlgalkaasi qaraxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray kuffaarta Yugaandha.
Waxaa xusid mudan in kolanyadan saliibiyiinta ah ee lagu qarxiyay wilaayada Sh/hoose ay sahay u sideen saldhigga ciidamada Kuffaarta Yugaandha ee deegaanka Golweyn.