Guutada qaraxyada mujaahidiinta waxay gelinkii dambe ee maanta qarax xooggan ku weerareen gaari ciidan oo ay wateen maleeshiyaadka kooxda Riddada, kaas oo ku socdaalayay duleedka degmada Ceeldheer ee dhacda wilaayada Galgaduud.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu si wanaagsan u haleelay gaari nooca Cabdibilaha loo yaqaan oo ay ka buuxeen askar ka tirsan murtadiinta kuwaas oo xilliga uu qaraxu dhacayay marayay duleedka degmada Ceel-dheer waxaana la xaqiijiyay in uu jiro khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo qaraxaasi kasoo gaaray Riddada.
Inta la hubiyay waa dhimashada hal askari oo murtad ah halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 2 kale kuwaas oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii uu qaraxu haleelay, waxaana goobtaasi ku burburay gaariga qaraxa lagu weeraray.