Qarax culus waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo ku socdaaleysay agagaarka garoonka Kubadda Cagta Isbartiibada ee Muqdisho,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafado badan oo ku hareereysan Wadada Warshadaha.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada u leexata dhanka Daaru-salaam,waxeyna Miinadu haleeshay gaari gaashaaman gaar ahaan Noocyada Taw-ga.
Gabi ahaan waxaa burburay gaarigii Taw-ga ee miinada haleeshay sidoo kale waxaa qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Kufaarta ee la socotay gaarigaasi Taw-ga ah.
Mas’uuliyada qaraxan lala beegsaday Kolanyada Shisheeyaha ah waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli Sidoo kale Maanta Barqadii Shabaabul Mujaahidiin Sideed Madfac ay ku garaaceen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia madaafiicdaasi oo gudaha u galay xarunta Madaxtooyada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.